Waxa la yidhi markii malaa’igtu ku tidhi Aadam ma jeceshahay xaawa? Wuxuu yiri: Haa
markay Xaawa weydiiyeen, ma jeceshahay isaga? Waxay tidhi: Maya Qalbigeedana jacaylka uu u qabo labanlaab.
markii Eebbe Aadan dhulka ku soo dejiyey, Aadan maalintii oo dhan buu xaawa raadinayey habeenkiina wuu seexanayey Xaawase habeen iyo maalin bay raadinaysay iyada oon caajis iyo hurdo toona lahayn Markii ay kulmeen dhib ka bacdi ayuu Aadan ku yiri:- Maalintii waan ku raadinayey, habeenkiina waan seexan jiray. Waxayna ugu jawaabtay: Waligay kuma raadin, waxa aan sugayay ilaa intaad ka imanayso.!
Tani waa dheddigga tan iyo markii la abuurey, waxay qarisaa wax walba oo qalbigeeda ku jira kibirkeeda aawadeed. Ha ku xukumin hadalkeeda iyo ficilkeeda, sharafteedu wax walba way ka sarraysaa.
Asal25
kusoo bir oo waxbadan kala soco
0 Comments